Daawo Sawirada+ Dhageyso: Raisalwasaare Saacid Oo Booqday Wasaarado,Shaqalaha U Mahadceliyey(Sawiro)

0

raysal-wasa_7Muqdisho(AGGM)Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa saaka booqday xarumaha Wasaaraddaha Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka iyo Wasaaradda Kheyraadka dalka, waxaana uu kulamo gooni gooni ah la qaatay howlwadeenada iyo dhamaan shaqaalaha ka howlgala wasaaradahaasi, isaga oo ka dhegeystay waxqbadkooda mudada sanadka aheyd ee ay Wasaaradahani shaqeynayeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa booqashadiisan ku wehliyay Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, Wasiirka Kheyraadka Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo agaasiyemaasha wasaaraddahan, waxayna igu horeyntii booqdeen xarunta Wasaaradda Warfaafinta, gaar ahaana Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka oo dib u habeyn ballaaran lagu sameeyey, waxaana xilligaasi ka soconeysay halkaasi howlo ku aadan tabinta iyo qabashada barnaamijyo kala duwan.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa ku ammaanay Wasiirka Warfaafinta Mudane Ciilmooge is bedelka iyo horumarinta ballaaran ee uu ka sameeyey mudada sanadka aheyd ee ay Xukuumadani jirtay, wuxuuna xusay in muhiimad gaar ah ay u leedahay dawladnimada warbaahinta Qaranka oo ah halka looga tabiyo shacabka waxqabadka iyo horumarka dawladdu sameyneyso.

“Waxaan ku ammaanayaa Wasiirka Warfaafinta talaabooyinkii ay qaaday Wasaaradiisa ee dib loogu howlgelinayay hay’addaha dawladda, sida Boostadii dalka, Soomaali Airline, soo celinta maamulka hawada Soomaaliya iyo horumarinta garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay waxqabadka mudada sanadka ah ee Wasaaradda Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday xarunta Wasaaradda Kheyraadka dalka, isaga oo warbixino ka dhegeystay qaar ka mid ah agaasimeyaasha wasaaradaasi, waxayna tilmaameen in mudada sanadka ah ay qabteen howlo baaxad leh oo ku aadan horumarinta kheyraadka sida Beeraha, waxsoo saarka gudaha, kalluumeysiga, waxayna xuseen inay heshiisyo wax ku ool ah la gashay Wasaaradu shirkado Caalami ah oo ay ka mid tahay Shirkadda Soma Oil and Gas oo sahmin ku sameyn doonta shidaalka dalka, gaar ahaana qeybta Badda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in intii uu ku guda jiray booqashada Wasaaradahan uu ku soo arkay waxqabad ballaaran oo ay sameeyeen mudadii sanadka aheyd, wuxuuna xusay in dhamaan Wasaaradaha Xukuumada ay sameeyeen horumaro baaxad leh, isaga oo balan qaaday in ay sii laban laabi doonaan waxqabadkooda sanadaha soo socda.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee qaar ka mid ah Xarumaha Wasaaradaha Xukuumada ayaa ku soo aadeysa, iyadoo shalay Xildhibaanada Baarlamaanka loo qeybiyay mooshin ka dhan ah, kaasoo Sabtida soo socota oo taariikhda bisha tahay 30-November ka doodi doonaan, isla markaana codka kalsoonida u qaadayaan.
Halkan Ka Dhagayso RaiisulWasaaraha

raysal-wasa_1raysal-wasa_2raysal-wasa_3raysal-wasa_4raysal-wasa_5raysal-wasa_6raysal-wasa_7
raysal-wasa_8

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com