Damu Jadiid Iyo Shabaab Maxaa Ka Dhexeeya, Maxeeyse Isku Og Yihiin? W/Q. Maxamed Cali

0

DAMU AND SHABABWaayahaan dambe waxaa aad isu soo taraayey dhawaaqa kasoo yeerayey shacabka soomaaliyeed sidii loo doortey sanad kii lasoo dhaafey hogaamiyaha ururka isku magacaabey damu jadiid hadaba qormadaan waxaan rabaa inaan shacabka soomaaliyeed ugu iftiimiyo wax laga yaabo ineey intooda badani ogyihiin laakiin laga indha qarsado ama aan inta badan laga hadlin hadaba anoon qormada idin ku badin bal horta aan idiin soo bandhigo waxey wadagan ama isku ogyihiin labadaas urur oo mid walbe qatartiisa leeyahey

Dagaal lagu qaado ururka argigixisada ah ee Al shabaab waxaa ugu dambeysey markii la doortey Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Waxaa dhamaan shaqo ka fariisin lagu sameeyey taliyayaalkii ciidanka xooga dalka soomaaliyeed ee ka xoreeyey shabaab dhul badan oo dalkena kamida raga aan ka xusi karno waxaa kamida Gen. Diini, Gen. Dhagabadan, Gen. Caanood waxaana dhamaan istaagey dagaalkii kooxda mayalka adag lagula jirey dagaalkina wuxu isu badaley mid shabaAb sii xoogeysaneyso dowladiina difaac ku jirto.

Musuq maasuqa oo gaarey heerkii ugu sareeyey ayadoo kooxda madaxweynuhu yusur abraar ka dalbadey ineey lacagtii doowladii dhexe ee somaliya ee gen siyad hogamiya ka ahaa bangiyada caalamka oga tagtey laga dalbadey ineey usoo bixso oo bangi gaara ugu shubto UN oo musuqa warbixin kasoo saartey lacago badan oo aan la ogeeyn halkeey aadeen ilaa hada

Dagaaladii shabaab lagula jirey waxaa lagu badaley dagaal beeleedyo laga abuurey shabeelada dhexe iyo shabeelada hoose jubaland iyo waliba puntland oo ku eedeysey ineey doowladu ka dambeysey dagaaladii ayaka iyo galmudug ka dhexeeyey gaar ahaan wasaarada arimaha gudaha dagaaladaan oo dhamaan tood ujeedkoodu yahey bad baadinta shabaab waana waxeey isku ogyihiin siyaasiyiin badan baana ka hadley in shabaab iyo damu jadiid xariir lixaad leh ka dhexeeyo

Markaad intaas oo dhan la fiiriyo waxaa kuusoo baxeysa in ay ku kala duwan yihiin oo kaliya kuwana wejigaa u duuban kuwana wejigaa u banaan waxyaabaha kale oo yaabka leh waxaa kamida afduubida dastuurka ku tumashada wixii lagu heshiiyey ee sida federal in la hirgaliyo isku koobida awoodaha dalka abuurid la aanta maxkamad dastuuri ah iyo waliba amni darada kasoo cusboonaatey meelo badan oo kamida somaliya sida magaalada caasimada ah oo shabaab aay ka geeysanayaan falal laga naxo iyo baladweyne

Qormada uma aanan qorin inaan ku kala fogeeyno Ummada Soomaaliyeed laakiin waxaan rabaa inaan ku cadeeyo qormadaan halkee wax ka socon la yihiin ayadoo waliba uu hada jiro khilaafka madaxda sare ee dfs waxaana la isku khilaafey aay yihiin cidii soo magacaabi laheeyd wasiirada cusub taasoo eedeeda dusha uu saaranayo Madaxweyne xasan sh m oo awoodiisa wax ka baxsan raba inuu isticmaalo khilafkaas oo hada gaarey heerkii ugu sareeyey oo baarlamaanka mooshin fashilmey la horkeeney welina aan la ogeeyn halka uu ku dambeeyn doono xaalka dalka Soomaaliyeed, rajadii shacabka oo hoos u dhacdey balanqaadkii xasan sh sameeyey markii la doortey oo wada beenoobey boqolkiiba sagaashan lagama filan karo horu socod iney sameeyso doowladan hada jirta mooshinka saacid laga keeney waxaa hada kaga haboon in xasan sh lagu badalo oo doowlad cusub lasoo doorto si dalkaan iyo dadkaan loo bad baadiyo.

DAMU AND SHABAB

W/Q: Maxamed Cali  

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com