Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo La Wareegay Deegaan Hoos-taga Baledweyne.

0

jabuutiBaledweyne (AGGM): Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo gacan ka kuwa dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta oo Isniin ah la wareegay gacan ku haynta tuulada Buq-goosaar oo 55 km dhinaca galbeed uga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Taliye ku xigeenka ciidanka milateriga ee gobolka Hiiraan, Kornayl Maxamed Aadan Aaney oo ku magac-dheer Maxamed Amiin ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in ciidanka dowladda ay la wareegeen tuulada Buq-goosaar oo uu sheegay in dhowrkii sano ee ugu dambeeyay ay ku jirtay gacanta kooxda Al-Shabaab.

Maxamed Amiin ayaa sheegay inay ku dileen dagaalka saddex ka tirsanayd Al-Shabaab, sidoo kalena ay dhaawaceen dhowr kale oo ka tirsan maleeshiyada kooxda.

Wuxuu sheegay in hal askari uu ka dhaawacmay ciidanka dowladda ee ku lugta lahaa howlgalka milateri.

Ciidanka dowladda ee gobolka Hiiraan ayaa wada dhaqdhaqaaq milateri oo ay ku doonayaan inay Al-Shabaab kala wareegaan degmada Buulo-burte, oo la rumeysan yahay in kooxda ay ka soo abaabusho weerarrada ay ka geysato magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka.

Toddobaadkii la soo dhaafay, kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ismiidaamin ah waxay ka geysatay saldhigga booliska Beledweyne, waxaana weerarkaas ku dhintay 29 qof oo isugu jiray shacab, boolis iyo dableydii geysatay weerarka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com