Magaalada Dhuusamarreeb Oo Laga Mamnuucay Gawaarida Muraayadaha Madow.

0

baabuurDhuusamareeb (AGGM): Maamulka degmada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduuud ayaa ka mamnuucay magaalada in lagu wato gaadiidka muraayadaha madow leh.

Taliyaha ciidanka booliska ee Dhuusamarreeb, Nuur Cilmi Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in sababta ay sidaas u sameynayaan ay tahay sidii amniga loo xaqiijin lahaa, kaddib markii dhowr jeer oo hore gaadiid muraayado madow lagu geystay falal ammaan-darri.

Saldhigga degmada ayaa maanta lagu arkayay gaadiid badan oo maamulku ay ka soo qabteen magaalada, kuwaas oo laga fiiqayay bacaha madow ee ku dahaaran muraayadahooda.

Nuur ayaa sheegay inuu sii socon doono howlgalka lagu qab-qabanayo baabuurta muraayadaha madow leh.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com