Wasiiro Maanta Gaaray Magaalada Baladweyne Ka Dib Qarixii Dhawaan Dhacay

0

BaladweyneBaladweyne(AGGM) Wafdi ay hogaaminayaan wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/kariim Xuseen Guuleed,Wasiirka Kheyraadka C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiir ku xigeenada Gaashaandhiga, Maaliyadda iyo Qorsheynta,  iyo  adeega Bulshada, Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jeneraal C/xakiim Daahir Siciid “Saacid”,   ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ay ku soo dhaweeyeen  mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.

Wafdigani oo ah guddi  xukuumadda Soomaaliya ay u magacaawday qiimeynta iyo horumarada ka socda magaaladaasi oo maalma ka hor qarax naftii haligmima ah ay ka geysteen Kooxda Dhagarta badan ee Al Shabaab, waxaana wafdiga loo galbiyay gudaha magaalada,  iyagoo booqday saldhiga Ciidanka Boliiska ee Talaadadii la soo dhaafay lala beegsaday qaraxaasi.

Wafdiga ayaa ka tacsiyeeyay dhibka argagaxisada ay u geysteen dadkii ku geeriyooday weerarkaasi bahalnimada ahaa waxaana ay sheegeen in marnaba aysan u istaagi doonin horumarada ka socda gobolka Hiiraan iyo doorashooyinka lagu wado in dhawaan ay ka dhacdo gobolkaasi.

Ugu danbeyntii wafdiga ayaa kulan qado ah kula leh Odayaasha, Waxgaradka, Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, iyo Haweenka,  Baar Xasan Dhiif ee bartamaha magaalada Beledweyne , waxaana ay ka wada hadlayaan xoojinta amniga iyo horumarada gobolka ka socda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com