Uganda Oo Ka Digtey Weeraro Alshabaab Ka Fuliyaan Gudaha Dalkooda

0

baledweyne qaraxKampala(AGGM) Booliska Uganda ayaa soo saaray xog ku aadan weeraro Al-Shabaab ay qorsheyneyso inay ka geysato goobaha waxbarashada ee ku yaal magaalada Kampala ee Caasimada Uganda. Sida lagu qoray Wargeysyada ku yaal dalka Uganda, Hey’adaha ammaanka ayaa helay xog sheegeysa in qatar ku soo wajahan tahay xarumaha waxbarashada dalkaas, gaar ahaan jaamacadaha oo ay dhigtaan arday badan oo Ajaaniib ah.

Afhayeenada Booliska Uganda Judith Nabakooba ayaa sheegtay in la xoojiyay ammaanka Kampala, gaar ahaan jaamacadaha ku yaala, si looga feejignaado weeraro ay Shabaab ka geysato.

“Waxaan helnay digniino muujinaya weerar ay Argagixisada la damacsan yihiin inay dalkeena ku soo qaadaan, gaar ahaan xarumaha waxbarashada, iyagoo doonaya inay fuliyaan todobaadkan”ayay tiri Judith Nabakooba.

Sidoo kale Afhayeenada ayaa tilmaamtay in ciidamada amaanka la geliyay heegan buuxa, isla markaana horay u heleen fariimo hanjabaado ah oo kaga yimid Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa horay hanjabaado u jeediyay dalka Uganda oo ah dalka ugu badan ee Ciidamada AMISOM ka joogaan Soomaaliya, isla markaana ay hogaanka u hayaan Howl galka Midowga Afrika.

Sanadkii 2010 ayay aheyd markii Al-Shabaab weerar ka geysatay magaalada Kampala, goob lagu daawanayay Finalkii Ciyaarihii Aduunka ee lagu qabtay dalka Koofur Afrika, kaasoo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya todobaatan ruux.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com