Garoon Diyaaradeed Oo Loogu Magacdaray Cusmaan Caato Oo Laga Furay Magaalada Galkacyo.

0

top-newsGaalakcyo (AGGM): Maamulka Galmudug ayaa waxa ay ku guuleysteen in ay dhisaan Garoon diyaaradeed kaasoo ay ugu magac dareen AUN Cusmaan Xasan Cali Caato iyaga oo ka soo wareegay Garonkii hore.

Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in sababha ay ugu Magacdareen Garoonka Cusmaan Caato ay tahay in uu ahaa Mas’uulkii ka danbeeyay in la dhiso maamulka Galmudug.

Dhanka kale maamulka Galmudug ayaa waxa ay garoonka Diyaaradaha C/lahi Yusuf la isticmaali jireen maamulka Puntland balse iminka ay u soo wareegeen garoonkan cusub.

Maamulka Galmudug ayaa todobaadkan ku eedeeyay maamulka Puntland in ay hub sharci daro aah ka soo dajiyaan garoonka Gaalkacyo sidaas darteed ay ka hortagayaan.

M/weynaha maamulka Galmudug Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in garoonkaan uu noqon doono mid gar ah maamulka Galmudug ee shacabkaba iyada uu howlo badan qaban doono.

Si kastaba maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in ay dhawaan dhamees tiri doonaan Garoonka agabyada ka maqan iyaga oo la kaashan doono Jaaliyadaha Galmudug ee aduunka ku nool.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com