War Deg Deg Ah: Qarax Xoogan Oo Hadda Ka Dhacay Magaalada BaledXaawo.

0

Breaking-NewsBaledXaawo (AGGM): Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada BaledXaawo ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in nawaaxiga saldhiga Boliiska magaalada uu ka dhacay Qarax wayn kadibna Rasaas xoogan ay ka dhaceyso halkaasi.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa ilaa hadda inaan la ogeeyn qasaaraha ay reeben Qaraxan xooga iyo rasaasta ka dhacaysa saldhiga magaalada BaledXaawo.

Isku soo duuboo ilaa hadda Mas’uuliyiinta magaalada BaledXaawo kama aysan hadal Qaraxan Xooga ee ka dhacay magaaladaasi.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com