R/Wasaare Saacid “Ka Hor Sanadka 2014-ka Al Shabaab Waan Ka Ciribtireynaa Dalka Soomaaliya”.

0

Saacid-1Muqdisho (AGGM): R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo xubno ka Tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa Waxaa ay shalay isbitaalka AMISOM ee ku yaalla Xerada Ciidamada Xalane ku Booqdeen Askartii Jabuutiyaanka ahayd iyo kuwii soomaalida ahaa ee ku dhaawacmay Weerarkii doraad Al shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Booliska ee Magaalada Beledweyyne, sidoo kalena waxaa uu Booqday Mr Saacid Wasaarada Gaashaandhiga halkaa oo uu kula Kulmay Taliyaha Ciidamadda xoogga dalka.

R/wasaaraha ayaa waxaa uu sheegay in al shabaab ay cirib tirayaan Al-shabaab bilowga sanadka 2014-ka, isla markaana aysan sii jiri doonin dhibaatada ay ku hayaan dadka shacabka ah iyo mas’uuliyiinta sida uu yiri, isagoo intaasi ku sii daray in ciidanka dowladda Soomaaliya uu mooraal ahaan aad u dhisanyahay uuna ku kalsoonyahay in Al-shabaab ay dalka ka saarayaan iyagoo kaashanaya ciidanka AMISOM.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com