Dowladda Soomaaliya Oo Ka Jawaabtay Eedeyn Uga Timid Maamulka Soomaaliland.

0

WASIIRKA-ARIMAHA-GUDAHAMuqdisho (AGGM): Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumadda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka jawaabay eedeymo ay maamulka Somaliland uu u soo jeedisay dowladda Soomaaliya, kuwaasoo ahaa in dowladdu ay ku mashquulsan tahay sidii fowdo uga abuuri lahayd Somaliland.

Guuleed ayaa sheegay in hadalkan uu waxyeelleyn karo wadahadalladii u dhexeeyay maamulka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya, kuwaasoo ay qodobbadiisa ka mid ahaayeen in la joojiyo hadallada xanafta leh ee wax-yeeleyn kara wadahadallada.

Wasiirka ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin ka dowlad ahaan hadalka ka soo yeeray wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Waran-cadde, isagoo ku tilmaamay hadalkaas mid aysan waxba ka jirin oo aanay garanayn ujeedka laga leeyahay.

Wasiirrka ayaa intaa ku darray in hadalkan uu yahay mid meel ka dhac ah, laakiinse ma uusan sheegin tallaabada ay ka qaadan doonto dowladda Soomaaliya haddii maammulka Somaliland uu ku adkeysto eedeyntiisan.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa waxaa afar jeer dhex-maray wadahadallo ay isugu soo dhawaanayaan, iyadoo eedeyntan ay tahay tii ugu horreysay oo Somaliland ay u soo jeediso dowladda Soomaaliya tan iyo markii ay billowdeen wadahadallada u dhexeeya labada dhinac.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com