Dhageyso: Daahir Xaaji Boqore ” Madaxweyne Xasan Sheekh Ayaa Soo Abaabulay Dagaaladi No-50″.

0

XASAN SHEEKHMuqdisho (AGGM): Daahir Xaaji Boqore oo kamid ah Siyaasiyiinta Kaso Jeeda Gobalka shabeelaha Hoose Gaar ahaan Degaanka Nambar 50 oo Dagaalo ay kadhaceen Labo Maalin qaatay isla markaasna lagu xasuuqay dad fara badan ayaa waxa uu sheegay in uu dagaalkaasi soo Abaabulay Madaxweynaha Soomaaliya isla markaasna Ciidamada Milateriga ay Xasuuqeen dad Rayid ah oo an Waxba Galabsan.

Siyaasigan ayaa waxa uu sheegay in wax laga Xumaado ay tahay in Weraar ay ogyihiin qaar kamid ah Madaxda soomaaliya Lagu qaado dad shacab ah oo an Waxba galabsan isla markaana la xasuuqo iyaga oo ku sugan Degaano ay kasoo Jeedan Wuxuna sheegay in arrintan ay soo noq noqotay waxna aan laga qaban Weraarada gardarada ah ee loo geysanayo Dadka Deegaanada Gobalka shabeelaha Hoose.

Halkan Hoose Ka Dhageyso Siyaasi Daahir Xaaji Boqore

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com