Xukuumadda Oo Guddi Wasiiro Ah U Magacowday Dagaakii Ka Dhacay No.50.

0

golaha_wasiirada1-650x433Muqdisho,20.Nov.2013…Shir deg deg ah oo ay xalay isugu yimaadeen Gollaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa looga hadlay arimaha ka soo cusboonaaday gobolada shabeelada dhexe, shabeelada hoose iyo qaraxii ka dhacay Baledwyn, waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”

Ra’iisul Wasaaraha Saacid ayaa ku tilmaamay in y tahay ayaandaro soo wajahday shacabka Soomaaliyeed mar hadii wali meelaha qaar ay ka sii socdaan dagaalo micno daro ah iyadoo wafdiyada kala duwan ee Dawladdu ay baaritaano dhab ah iyo u kuuragalidba ku samayn doonaan sida ay wax u dhaceen iyo waxa kala gudboon dawladdu in ay qaado.

“Dagaalada ka soo cusboonaaday shabeelooyinka aad ayaan uga xunahay inay sii socdaan, waxaana ugu baaqaynaa dhamaan dhinacyada ku lugta leh inay si deg deg ah u joojiyaan. Hadii shacabka ay isugu darsamaan fatahaada Wabiga iyo dagaallo waxaa hubaal ah in deegaanku noqonayo mid aan lagu noolaan karin” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu isagoona dhanka kale sheegay in xukuumadu ay u dirayso qaar ka mid ah Wasiirada si loo dhex dhexaadiyo dhinacayada dagaaladu dhex mareen.

Sidoo kale gollaha ayaa isla soo qaaday sidii loogu gurman lahaa dadkii ku waxyeeloobay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Beladweyn, kaas oo ay ka soo gaareen khasaare balaaran dad badan oo shacab ah, oo ka ag dhawaa saldhiga Booliska, waxaana Golluhu si wada jir ah tacsi ugu diray qaraabadii iyo ehelkii dadkoodu ku geeriyoodeen qaraxaas, iyagoona Eebe caafimaad uga rajeeyey kuwii ku dhaawacmay.

Ugu danbayntii Golaha ayaa isku raacay in la magacaabo gudi wasiiro ah oo baaritaan ku soo sameeya waxyaalaha sababay dagaalkii ka dhacay No.50, Sh/Dhexe iyo Qaraxyadii Beladweyne, waxaana gudiyadaaas kala hogaamin doona Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Cabdullahi Ebyan Nur, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikarin Xuseen Guuleed oo aadi doona magaalada Jowhar iyo Wasiirka Kheyaadka Dalka Cabdirisaq Cumar Maxamed maanta u ambabixi doona magaalada Beladweyn.

—DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the PM
Mogadisho-Somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com