Xariga Ka Jaray Ceel biyood Cusub oo Laga Hirgaliyay Gaalkacyo

0

170Galkacayo(AGGM)Ceel biyoodkan oo noqanaya kii lixaad oo ay wakaalada biyaha Carafaad ay ka hirgaliso magaalada Gaalkacyo ee xarunta Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa waxaa munaasabadda xariga looga jarayay ka qeyb galay madax ka tirsan kuwa Galmudug oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Xasan Maxamuud Heyl wasiirka wasaarada dib-u-heshiisiinta Dastuurka iyo Arimaha fadaraalka Mudane Xasan Faarax Barre iyo Gudoomiyaha Gobalka Mudug ee maamulka Galmudug Aweys Cali Saciid iyo sidoo kale madaxda wakaalada biyaha Carafaad

Ugu horeyna waxaa goobta ka hadlay madaxa wakaalada biyaha carafaad Cabdul Jaamac dharas oo sheegay in ceelkani uu yahay kii lixaad oo ay ka sameeyaan magaalada Gaalkacyo ayna sidoo kale  u qorshaysanyihiin in ay bilaha soo socda ay qodaan kii todabaad iyo kii sideedaad taasoo uu tilmaamay in ay uga gol leeyihiin sidii loo haqabtiri lahaa baahida biyood ee ka jirta Gobalka mudug maadaama aysan ceelasha haatan ka sameeysan galkacyo ku filnayn baahida dhanka biyaha ee heysa dadka iyo xoolaha.

Sidoo kale waxaa munaasabada xarig jarka ceel biyoodkaan ka hadlay Wasiirka Wasaaradda dib-u-heshiisiinta Dastuurka iyo Arimaha fadaraalkaMudane Xasan Faarax Barre waxaana wasiirku uu ka dhawaajiyay in magaalada galkacyo dhawr sano ka hor ay ka taagneyd biya la”aan xoogan taas oo uu xusay in ay ugu wacneyd hay’addaha qaarkood oo sheegay in koofurta magaalada galkacyo aan laga qodi Karin wax ceelal ah islamarkaana ay biyaheedu fog yihiin taasna waxa uu sheegay in ay tahay
mid haatan laga gudbay maadaama ceelkii lixaad maanta xariga laga jaray

Ugu danbeyna waxaa xaflada xarig jarka ceel biyoodkaan cusub hadalo kasoo jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Xasan Maxamuud Heyl oo isagu uga mahad celiyay wakaalada biyaha carafaad dadaalka ay u gashay in maanta uu xariga ka jaro ceel biyoodkii lixaad oo ay wakaaladaasi ka yagleesho magaalada Galkacyo oo horay loogu tiring jiray magaalooyinka ugu biyaha yar dalka waxaana uu sheegay in talaabadaan ay wax weyn ka tari doonta baahida dhinaca biyaha ee ka taagneeyd magaalada Galkacyo Sanadihii lasoo dhaafay

By C/risaaq Maxamed Axmed, Gaalkacyo

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com