Shir Madaxeedka Dalalka Afrika Iyo Carabta Oo Gelinka Dambe Ee Maanta La Soo Gebagebeeyn Doono.

0

jawaKuwait (AGGM): Shir madaxeedki dallalka Carabta iyo Africa ayaa maanta lagu wadaa in la soo gebagebeeyo islamarkaana laga soo saaro warmurtiyeed.

Kulan madaxeedka wadamada Carabta iyo Afriika oo shalay ka furmay magaalada Kuewyt ayaa lagu wadaa in maanta Sadexda galabnimo la soo gebagebeeyo, iyadoo la filayo in laga soo saaro go’aanno ku saabsan waxyaabihii laga doodayay muddada bisha ah, kuwaas oo la xiriira iskaashiga ganacsiga iyo horumarka wadamada Afrika iyo Carabta.

Gelinka hore ee maanta ayaa la filayaa in gudoomiyaha Baarlamanka Prof, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu shirka ka jeediyo khudbad ka hadleysa xaalada dalkeenna iyo sida uu ugu baahanyahay maalgashi si dalku uga soo kabto dagaalladii ka dhacayay mudada dheer.

Shirka ayaa ah mid albaabadu u xiranyihiin hase yeeshe waxaa laga sugayaa iney ka soo baxaan qodobo wax tar u leh dalkeenna Soomaaliya kadib marka la soo geabgebeeyo shirka gelinka dambe ee maanta.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com