Golaha Amaanka Oo Sanad U Kordhiyey Howlgalka Lagula Dagaalamayo Burcadda Badeeda Soomaaliya.

0

golaha ammaankaNew York (AGGM):Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo hal sano ah ugu daray howlgalka caalamiga ah ee la dagaallanka burcad badeedda Soomaalida.

15-ka xubnood ee golaha ayaa shalay oo isniin ah si wada-jir ah u meel-mariyay qaraarka la dagaallanka burcad badeedda. Golaha ayaa mar kale ku celiyay inuu cambaareynayo falalka burcad badeedda ee xeebaha Soomaaliya.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa la isku raacey in la meel-mariyo sharci xaaraam ka dhigaya qawleysatada badaha (pirates), waxaana loogu baaqey dalalka Bariga Afrika in ay kor u qaadaan ka hortaga denbiyadda Burcadda Badaha iyo kuwa maalgeliyaba.

Dalalka ku jira Golaha Amaanka ayaa si wada jir ah isugu raacey Qaraarkan, waxaana ay dib u cusbooneysiiyeen ogolaanshaha ay haystaan maraakiibta dagaalka ee ka shaqeysa ka hortaga falalka Burcadda badaha, waxaana lagu sheegey Qaraarka in European Union Naval Force, Midoga Afrika, Shiinaha iyo Bakistani ay sii wadaan hawlgalada ay uga hortagayaan Burcadda Badaha.

Qaraarka cusub ee Golaha Amaanka ayaa loogu baaqey Soomaaliya in ay wax ka qabato Burcadda badaha isla markaana la soo xiraan lana geeyo maxkamadda.

Golaha Amaanka ayaa soo dhaweeyey warbixinta sheegeysa in weerarada Burcadda Soomaalida ee ka qawleysta Badda Cas iyo Badweynta Hindiya ay hoos u dhaceen.

Mid ka mid ah ragii ugu caansanaan burtcad badeedda Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Afweyne ayaa ku xiran dalka Biljimka, halkaasoo la sheegay in maxkamad lagu saarayo.

Sidoo kale, waxaa dalal badan oo ka tirsan caalamka lagu ahayaa dhallinyaro Soomaali ah oo lagu eedeeyey iney burcad badeed yihiin, iyadoo qaarkooda la xukumay qaar kalan yihiin xukun sugayaal.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com