Dowladda Kenya Oo Ergo Culus U Diraysa Magaalada Hague Ee Dalka Holland.

0

Flag_KenyaNairobi (AGGM): Kulanka ay yeelanayaan wadamada xubnaha ka ah oo saxiixay heshiiska ICC ayaa waxa lagu wadaa in maalinta barito ah uu ka firmo magaalada Heeg oo ah saldhiga ICC .

Ergada Kenya uga qayb galaysa kulanka ayaa waxa ka mid ah saraakiil ka kala socota xafiisyada xeer ilaaliyaha guud dacwad soo oogaha guud ee dalak iyo asraakiil ka socota wasarada arimaha gudaha .

Wasiirada arimaha dibada Amina Mohamed, Attorney Genxeer ilaaliyaha guud ee dalka Githu Muigai iyo agaasimaha dacwad soo oogaha guud Keriako Tobiko ayaa hogaamin doona ergada dalkani Kenay ee shirka ka qayb galaysa .

Waxyaabaha kulanka ICC looga hadli doono ayaa waxa ka mid ah shakiga iyo mad madowga soo kala dhex galay midowga africa iyo ICC

Kenya ayaa doonaysa in fursadani ay uga faaidaysato in ay gudbiso codsi ah in mudo sanad ah dib loo dhigo dhagaysiga dacawdaha ka dhanak madaxwayne Kenyata iyo ku xigeenkiisa Wilyam Ruto .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com