Xildhibaano Ku Midoobay Hiil Dastuur iyo Dimuqraadiyad – HDD Oo Maanta Kulan Ku Yeeshay Magaalada Muqdisho.

0

baarlamaanka2_large2Hiil Dastuur iyo Dimuqraadiyad  – HDD

War Murtiyeed

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku shiray 50 xildhibaan oo ka kala socda 5 ta beelood ee Soomaaliya.  Waxay xildhibaanadu shirkoodaan ku sifeyeen mid ay ugu hilinayaan dastuurka qaranka iyo nidaamka dimuqraadigaa ee dalku hiigsanayo. Waxayna cadeeyeen inay ka dhiidhiyeen marin-habowga siyaasadeed ee dalka la galinayo, dastuurka lagu tumanayo iyo musuq-maasuqa loo adeegsanayo golaha shacbiga.

Waxay xildhibaanadu tilmaammeen in ujeeddadda ugu weyn ee ay kulankan ka lahaayeen ay ahayd taageerida iyo kalsooni muujin la xiriirta ku dhaqanka Dastuurka iyo Dimuqraadiyada. Waxayna sharci daro ku tilmaameen mooshinada siyaasadaysan ee lagu doonayo in awooda fulineed lagula wareego. Waxay tilmaameen inaysan dastuuri ahayn arrintaasi  lagana baaqasado.

Xubnahani waxay si wada-jir ah ugu baaqayaan dhamaan xildhibaanada Soomaaliyeed inay u istaagaan ilaalinta dastuurka iyo nidaamka dimuqraadiyada oo ah wadada kaliya ee qaranka lagu badbadin karo kuna hano qaadi karo. waxay sidoo kale ku baaqeen, in xildhibaanadu dhex-dhexaad ka noqdaan xal u helida khilaafka dastuuriga ee u dhexeeya madaxda golaha fulinta.

Ugu danbayntii ayay Xildhibaanadii maanta kulanka yeeshay ku baaqeen dhibkii ka dhacay deegaanka N50 in si deg dag ah loo joojiyo isla markaana aan arinta faraha laga bixin.

Xildhibaan Saciid Maxamed Cali
Afhayeenka Xildhibaanada HDD
Phone: +252 (0) 615493803

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com