Dhageyso: C/qaasim Salaad Xasan “Waa Nasiib Daro In Dowladii Rajada Laga Qabay 20-sano Kadib In Maanta Uu Khilaaf Soo Kala Dhex Galo.

0

cabdiqaasimMuqdisho (AGGM): Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. C/qaasim Salaad Xasan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay khilaafka todobaad ka hor soo if baxay ee u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.

Wareysi uu siiyay Dr. C/qaasim mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in nasiib daro tahay in dowladii rajada laga qabay 20-sano kadib in maanta uu khilaaf soo kala dhex galo madaxda dowladda, markii ay hal sano wada shaqeynayeen.

“Halkii sano ee dowladda shaqeyneysay ee aad looga hanweynaa in maanta dib u dhac ku yimaada waa wax aad ayaan daro u ah, iyo dowladii rajada laga qabay 20-sano ka bacdi markii rajo weyn ka qabnay in dalka xasilo”ayuu yiri Dr. C/qaasim Salaad Xasan.

Dr. C/qaasim ayaa ugu baaqay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay khilaafkooda xaliyaan, isagoo soo jeediyay in gudi dhex dhexaad ah loo saaro.

“Waxaa codsanayaa in gudi labada dhinac ku kalsoon yihiin loo saaro, wax waa la isku khilaafi karaa, wax la isku khilaafay ma ahan aayad quraad in dad waxgarad loo qabto oo arrintan soo xaliya oo xal ka keena, si dhex dhexaad ah lagu heshiiyo, howshana sii socoto”ayuu ku taliyay Dr. C/qaasim Salaad Xasan.

Dr. C/qaasim ayaa ahaa Madaxweynihii u horeeyay ee dowladii Carte lagu soo dhisay ee ay is qabtaan Ra’iisul Wasaarayaashii soo maray dalka, iyadoo ay is khilaafeen Ra’iisul Wasaaraha u horeeyay uu magacaabay Dr. Cali Khaliif Galeyr.

Halkan hoose ka dhagayso

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com