Xarumo Looga Furayo Magaalada Dhuusamareeb Dadka Ka Tanaasula Fikirka Al Shabaab.

0

dhuusamareebDhuusamareeb (AGGM): Guddoomiyaha maamulka dowladda ee degmada Dhuusamarreeb Macallin Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geedaqorow) ayaa maanta sheegay inay furi doonaan xarumo lagu dhaqan celiyo maleeshiyada ka soo goosta al-Shabaab.

Geedaqorow ayaa tilmaamay inay kordhayaan maleeshiyada ka soo baxaya al-Shabaab ee ku soo laabanaya deegaannadooda, si ay ula noolaadaan dadkooda.

Wuxuu xusay in furista xarumaha dhaqan celinta ay muhiim u tahay sidii dhallinyarada ka soo laabta fikirka al-Shabaab looga tirtiri lahaa fahamka qaldan ee laga siisay diinta Islaamka iyo sidii loo wacyigelin lahaa kahor inta aanan lagu sii deynin bulshada.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in furista xarumaha ay la kaashanayaan odoyaasha, ganacsatada iyo waxgaradka gobolka Galgaduud, isagoo ka codsaday dowladda federaalka ah inay gacan ka geysato hirgalinta xarumahaas.

Hadalka guddoomiyaha degmada Dhuusamarreeb ayaa yimid kaddib markii maanta la siidaayay Maxamed kaafi Cabdi Maxamuud oo horey ugu tirsanaa al-Shabaab, balse sheegay inuu ka baxay, isla markaana uusan dib ugu noqon doonin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com