Soomaali Lagu Xiray Dalka Gambia.

0

xabsiBanjul (AGGM): Masuuliyiinta dowlada Gambia ayaa xiray labo muwaadin u dhashay dalka Ingiriiska laakiin asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya iyadoo lagu eedeynayo ku luglahaanshaha qiyaano weyn oo ku aadan isgaarsiinta dalkaasi, sida ay sheegeen saraakiisha sirdoonka dalkaasi.

Cabdirisaaq Hazi iyo Faysal Axmed Jaamc ayaa lagu xeray Talaadadii lasoo dhaafay xafiiska sirdoonka dalkaasi kadib markii lagu eedeeyay qiyaaneynta shirkadaha isgaarsiinta dalkaasi.

Waxaa la sheegay in si qeexan ay u direen cadadka iyo warbixinada shirkadaha iyagoo adeegsanaya internet-ka iyo wicitaanka taleefanada, iyagoo sameynayay falkaasi todobaadyo badan.

Hay”ada sirdoonka qaranka ayaa ka sheegtay telefishanka inay jireen caqabado aad u xun ee dhanka isgaarsiinta iyadoo ay ugu wacan tahay falkaasi ay sameeyeen labada ruux ee asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya.

Hay”ada ayaa sidoo kale sheegtay in falkaasi ay kaga shakisan yihiin luminta isgaarsiinta qaranka dalkaasi, laakiin ma aysan sii faahfaahinin heerka ay la egtahay isgaarsinta luntay.

Ruux kale oo saddexaad oo heysta dhalashada dalka Ingiriiska laakiin asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, ayaa la sheegay inuu maqan yahay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com