Dowladda Mareykanka Oo Digniin Kasoo Saaray Weeraro Ka Dhaca Kenya.

0

USA-flagWashington DC (AGGM): Dowlada Mareykanka ayaa digniin kasoo saartay in xarumaheeda ay ku leedahay ddalka Kenya ay weeraro Argagixiso ka geystaan Kooxda Al-shabaab iyo Al-Hijra oo iyagu hoos taga Urur weynaha Al-Qaacida, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wasaarada arimaha dibada dalka Mareykanka.

Waaxda u qaabilsan la talinta amaanka ee Mareykanka ayaa sheegtay in Alshabaab iyo kooxda Al-Hijra ee dalka Kenya ay bartilmaameydsan karaan xarumaha gaar ahaaneed ee dalka Mareykanka ku leeyahay dalkaasi Kenya.

Muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan dalka kenya ayaa loogu baaqay in ay feejignaan dheeri ah ka sameeyaan magaalada caasimada Kenya ee Nairobi iyo magaalo xeebeedka Mombasa.

Sidoo kale goobaha looga digay muwaadiniinta Mareykanka ayaa waxaa ka mid ah Hotelada iyo dukaamada waaweyn, maqaayadaha iyo goobaha lagu cibaadeysto.

Warbixintaas ayaa timid xilli 21 bishii lasoo dhaafay ee September Xarunta Westgate Mall, ee Magaalada Nairobi ay weearar ku qaadeen kooxda Al-shabaab, halkaasi oo ay ku dhinteen 67 ruux, tieo intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com