Dad Xiriir La Leh Falaagada Al Shabaab Oo Lagu Xir-xiray Baled-Xaawo.

0

xabsiBaled-Xaawo (AGGM): Ciidamada amaanka Magaalada Baladxaawo Gobalka Gedo ayaa sheegay in ay ku soo xir xireen Howlgalo xalay iyo shalay ka fuliyeen gudaha Degmadaa dad iyo hub iskugu jira walxaha Qarxa.

Howlgalo si wada jir ah u sameeyeen ciidamada Booliiska Degmadaa oo kaa shaanaya Ciidamada XDS Gobalka Gedo ayaa soo qab qabtay dad lala xariiriyay Alshabaab.

Taliyaha Saldhiga Baladxaawo ayaa sheegay in dadkaan la soo qab qabtay ku jiraan hawayn waxa uuna sheegay in lala soo qabtay hub iskugu jira walxaha qarxyada laga sameeyo .

Hubka iyo dadkaa ayaa laga soo qab qabtay guri ay wada deganaayeen waxaana taliyaha uu sheegay in gurigaa uu hore u deganaan jiray sargaal ka tirsan maamulka sare Alshabaab ka hor inta aan halkaa laga saarin.

Edaysanayaashaa ayaa iminka lagu hayaa Saldhig ku yaal Magaalada BaledXaawo halkaa oo su,aalo lagu waydiinayo waxaana Booliiska ka shaki qabaan in dad kale iyo hub wali ku kharsoon yahiin Xaafadaah degmadaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com