Boqortooyada QADAR Oo Doonaysa Inay Gacanta U Geliso Ururka Dammu Jadiid Maamulka Qaranka Soomaaliya.

0

amiirka qadar xasan sheekhLaga soo bilaabo doorashadii baarlamaanka iyo madaxweynaha ee dhacday 2012, waxaa si xooggan usoo shaac baxayay, inay boqortooyada Qadar lacag kor u dhaaftay 14 Malyuun oo doollarka maraykanka ah ku taageertay mudane Xassan Shiikh Culusow, lacagtaas oo loogu iibiyay codkii xildhibaanada baarlamaanka maalmihii ”doorashadu” dhacaysay.

Arrintaa weligeed Qadar iyo Xassan shiikh Culusow midkoodna ma beenin!

Iyadoo arrintaas dad badan ee bulshada soomaaliyeed aqoonyahannadeeda ka mid ahu baaritaankeeda ku hawllan yihiin, ayaa waxaa imminka mar labaad ilo lagu kalsoonyahay sheegayaan, in talaadadii 12.kii bishan nofembar 2013, garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ka soo degtay diyaarad ka timid QADAR, diyaaraddaas oo sidday 2 nin oo carab ah kuwaas oo siday 4 shandadood oo lacag ah, ujeedaduna ay tahay arrin la xiriirta is-khilaafka madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha ka dhex taagan, dawladda Boqortooyada Qadarna ay lacagtaa ugu talo gashay, in laaluush loo bixiyo codadka xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliyana codkooda looga iisbho si ay u ridaan dawladda Dr. Cabdi Faarax Shirdoon! Maamulka dalakana loogu soo ururiyo kooxda ururka DAMMU-JADIID oo firqo ka ah ururka Ikhwaanul-Muslimiin iyo Al-jamaacada Pakistaan, oo qaybteeda Soomaaliya uu hoggaamiyo Madaxweyne Xassan Shiikh Culusow!!!

Arrintaas oo qatar weyn ku ah jiritaanka iyo madax bannaanida qaranka Soomaaliya, ayaa waxaa lagama maarmaan ah, inta si hubban loo baaro, addunweynaha si huffan loo hor dhigo, Dawlaadda boqortooyada Qadarna, haddii ay arrintaasu caddaato, dacwad Qaramada midoobay looga soo oog, si cadna loogu eedeeyo, inay ku xadgudubtay madax bannaanida Soomaaliya laguna soo maxkamadeeyo inay faraha la gashay siyaasadna ka dhigatay:

Laaluush Siyaasiyiinta Qaran madax bannaan

Arrintaas oo dunida xorta ah ka reeban ahna dembi dawlad kasta iyo shakhsi kasta oo mas’uul ah maxkamad lagu soo taagi karo!!!.

Dr. Maxamuud Raadsade
raadsade@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com