WAQTI LA JABO IYO MEEL LAGU JABO MIDNA LAMA JOOGO. Khaliif Ashkir Diinni

0

GEDSC DIGITAL CAMERAQilaafka madaxda soomaaliya ka dhex curtay waa mid wadno qabad ku ah rajada dawladnimo ee ummaddu sugeysey.

Wada-shaqaynta madaxdu waxay ahayd, hantida dawladnimo ee maanta soomaali gacanta ugu jirta.

Dad badan ayaa qaba inaan soomaaliya xamili karin madaxweyne iyo Ri’usul wasaare, maxaa yeelay, waa ku adag tahay inay sharcigii ay dhigteen u hogaansamaan.

Daddka arrintaas aaminsanu waxay doorbidayaan in qof kaliyihi la dhacdhaco talada fulinteeda intii is-qabqabsi joogta ah lagu jiri lahaa.

Sida muuqata, labada masuul waxay isku qabteen:- ii-daa shaqada dastuurku i siinayo, iyo mayee dastuurku soomaali kaama soo xuline anigaa kaa soo xulay ee iga dambee.

Haddii si loo fiirsho labada fakarba waa run, laakiin labadooda midna dhab maaha. (run iyo dhab isku mid maaha).

Waxaala rabay in madaxweynuhu wasiirka kowaad u daayo inuu wasiiradadiisa soo dhisto. Taasu waxay sahli lahayd in wasiiraduRaysal wasaarahooda ka haybeystaan oo ay u arkaan nin mustaqbalkooda siyaasadee wax ka tari kara.

Haddeyse hali karaan xaafiisyo ay u kala dabqaadaan, waxaa shaqadu noqonaysaa garbo-siman waxaana nagu dhacaya, wixii dawladaha harsan oo aynnu ku jirno ku dhici jiray.

Wasiirka kowaadna waxaa laga rabay in isaga iyo golihiisuba amarka Madaxweynaha ku shaqeeyaan oo ay ogaadaan in reerku hal oday leeyahay, kaasuna M/weynaha yahay.

ceeb ina-kuma aha, in masuuliyiinta Soomaaliyeed sahladaan soo maridda waddada kala dambeynt ( chain of state)

Inta garaadkeygu i siinayo, labada shaqsi ee is haysataa waxay iigu muqdaan kuwo Soomaalida wax ugu yaall Qilaafkooda oo wax badan laga shaqeynayeyna wuxuu dalka iyo dadkaba u keeni doonaa qaran-jab weyn.

In kasta oo aan sidaas qabo, haddana ma lihii warkaygu waa wada run, maxaa yeelay nidamka kuma dhex jiro oo wax badan ayaa iga qarsoomi kara.

Haddii dagaalku sii socdo waxaa la saadaalin karaa in R. wasaaruhu meesha ka baxayo, laakiin,haddii taasu dhacdo, waxaan is leeyahay dadka soomaaliyeed ee uu Madaxweyne Xasana ku jiro, waa tabi doonaan Dr Saacid Faarax.

Waxaa Saacid iigu muuqdaa MP, mug iyo miisaan leh, oo dhaqan fiican, oo dhihid fiican, oo dhowrid fiican oo waliba dhalin fiican

In durba la helo qof sifahaas leh ma sahlana. waxaa intaas sii dheer, waqtiga la joogo oo aan kala dhac loo baahayn.

Waxaan ku talinayaa in soomaalidu is ceshato oo labada masuulba barlamaanka talo hoosaad ka qaataan. oo ayna talada la wareegin dadka danaha gaarka ah u xuslinaaya. Mah-maah (seeddigaa ina adeerki waa khayr beele). Waxaa arrintaas loola jeedaa seedigaa ina adeerkii xidid kulama aha, taladana wax buu ku leeyahay, markaas wax kuu roon sheegi maayo.

 

GABAGABO.

Jalle madaxweyne, dulqaado. Dib u xasuuso, erayadaadii ku qotomay inaan dawladaada qilaaf nacasnimo dumineyn.

Dalku dagaal xun ayuu ku jiraa. Mid Madaxtooyada dhexdeeda ah ma xammili karo. Cusko maah-maada ah:-

(nin fiican waxaa ah, ninkii niman xuxun isku wadi kara).

Jaale R. Wasaare, is daji, jidkaagii hore ee aad dad badan kaga diiddey inaad M. weynaha isku taagtid, wuxuu ahaa dariiq fiican. Anigu kolley ma garanaayo wax wanaag ah oo ku jira muranka aad M. weyna la galeysid. Taasu marbey kuu bannaan tahay. Waa markii aad qaranka badbaadineysid. Iima muqaatao musiiba qaran oo Xasan SH. dhigayo oo mudan in laga hortago, wax jirase Allaa og. Taladaydu waxay tahay inaadan ka ka biqin kana xishoon inaad M.Weynaha raalli galiso, haddii ay jirto innaba ha yaraatee wax dhibsi ah ee aad u geysatay.

WAXAA DADKA SOOMAALIYEED SHARAF U AH INAAD ARRINTAAN DHAMAYSAAN SHISHEEYE LA’AAN.
Khalif Ashkir Diini.
Madaxa Rugta Maskaxda
Tel. 447908455735.
E.khalifashkir35@hotmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com