Maamulka Puntland Oo Ka Digay Roob Hor Leh Oo Xooggan.

0

Tropical-winds-374x300Garoowe (AGGM): Wasaaradda caafimaadka ee maamulka Puntland ayaa ka digtay in roob hor leh oo xooggan ay ka da’aan deegaanno ku yaalla gobollada Mudug, Nugaal iyo Sool, iyadoo la faray dadka ku nool gobolladaas inay feejignaadaan.

Wasiirka caafimaadka ee maamulka Puntland, Cali Cabdullaahi Warsame ayaa sheegay in dad qaabilsan saadaasha hawada ay ku wargeliyeen in roob xoog leh la saadaalinayo in uu ka da’o gobollada ku yaalla galbeedka maamulka Puntland.

Warbixintu waxay sheegtay in saddexda maalmood ee soo socota laga cabsi qabo inuu roob xoog leh ka da’o degmooyinka Jarriiban, Gaalkacyo iyo Burtinle, wuxuuna dadka ku nool degmooyinkaas loo soo jeediyay inay feejignaadaan.

Isniintii la soo dhaafay ayaa roob dabeylo watay oo ka da’ay deegaanno hoos taga maamulka Puntland wuxuu sababtay dhimashada 140 qof, waxaana sidoo kale ka dhashay khasaare hantiyeed iyo mid deegaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com