Wararka saka magaalada Muqdisho naga soo garaya ayaa waxaay sheegayaan in saka Madaarka magaalada Muqdiso ay ka soo dagtay diyaarad qaas ah oo uu ku xardhan yahay calanka wadanka Qadar.
Diyaaradan ayaa waxaa la socday 4 xubnood oo carab ah islamarkana aan la aqoon xilalka ay ka hayaan Wadanka Qadar.
Mid ka mid ah howlwadeenada Airporka caalamiga ah ee Adan Cade oo diiday in uu magaciisa shaaciyo ayaa sheegay in diyaarada ka timid qatar laga dajiyay borsoyiin lo malaynayo in ay ku jirto lacag.
Shaqsigaan waxaa uu sheegaay in xubniii saarna Diyaaradaasi iyo borsoyinkii ay wadeenba laga galbiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayado aan la aqon halka la dajiyay xubnahaasi ka socda wadanka qadar.
Imanshaha Diyaaradaan ayaa waxaay ku soo adaysaa xili khilaafkii u dhexeyay Madaxweynaha iyo Raisalwasaraa uu xargaha goostay ayado Abaabuladii ugu danbeyay ay ka soconayaan Xarunta loga arimiyo wadanka Somalia ee Villa Somalia.