Dawladda Somaliland Oo Shaacisay Inay Gargaar Bini Adamnimo U Dirayaan Maamulka Puntland

0

WasiirroHargeysa(AGGM)Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay gargaar gaadhsiinayso dadka ku tabaaloobay roobabka duufaanadda wata ee ka da’ay xeebaha maamul goboleedka Puntland oo ay ku dhinteen sida wararku sheegayaan in ka badan boqol qof.

Sidaasna waxa shaaca ka qaaday Wasiirrada Arrimaha dibadda iyo arrimaha gudaha Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo Md. Cali Maxamed Waran-cadde oo shir jaraa’id oo wada jir ah ku qabtay Magaaladda Hargeysa.

Wasiirradu waxay tacsi u direen qoysaskii dadkii ku dhintay mashaqada dabaysha iyo duufaanka ka da’ay deegaamo ka tirsan maamul goboleedka Puntland.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com