Dhagayso:- Xiisadii ka taagnayd degmada Baladxaawo oo lasoo Afmeeray

0

Magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo dhawaan waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeyay labo Ciidan oo ka wada howlgala deeganada gobolka Gedo, waxaana dagaalkaasi uu sababay khasaare Nafeed iyo kala aamin bax labada Ciidan kaasoo markii danbe keenay in mid kamid ah Ciidamadaasi magaalada laga saaro.

Guddoomiyaha gobolka Gedo iyo Hogaamiyaha Ahlusunna ee gobolada koonfureed Sheekh Maxamed Awlibaax iyo Wafdi ay Hogaaminayaan oo iskugu jiray Xildhibaano iyo Saraakiil Ciidan ayaa arintaasi Muqdisho uga baxay sidii ay xal ugu heli lahayeen.

Hadaba Ex Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka waramaya Qodobada kasoo baxay Maxkamada.

Maxamuud Sayid Aadan Baladxaawo