Soomaali Looga Shakiyey Alshabaab Oo Lagu Qabtey Dalka Kiiniya

0

Somalia Al ShababNairobi(AGGM)Ciidamada Booliska ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay nin Soomaali ah oo la sheegay inuu halis ku yahay amaanka dalkaas kaas oo la xusay in lagu qabtay xabadaha laga tuuro qoriga Kalaash Koofka.

Ciidamada Boolsika ayaa sheegay in ninkaan ay gacanta ku dhigeen uu ka yimid magaalada dhoobley ee ka tirsan dalka Soomaaliya.

Waxay intaa ku dareen in ninkaani uu qarinayo qoriga AK47 oo garabkiisa surnaa xiliga uu imaanayay xerada qaxootiga dhadaab ee ay ku qabteen sida ay hadalka u dhigeen.

Musa Yego oo ah masuulka kenya u qaabilsan aagaas ayaa sheegay in eedeysanahaan ay ka doonayaan inuu tilmaamo halka uu ku qariyay qorigaas.

Dowlada Kenya ayaa aaminsan in Qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan xeryaha ku yaala dalka Kenya ay halis ku yihiin amaanka dalkaasi.

Falkaani qabashada ah ayaa ku soo beegmaya maalin kadib xili la go’aamiyay in qaxootiga Soomaalida ee xeryahaasi ku sugan lagu soo celiyo gudaha dalkooda.

Walow meesha laga saaray qasab keeni karaya in lagu xadgudbo rabitaanka qaxootiga ee ku aadan doorashada dalka ay doonayaan inay ku noolaadaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com