Ra’iisal Wasaare Saacid “Ummadda Soomaaliyeed iyo Caalamkaba Waxaan ugu Baaqayaa inay Gargaar u Fidiyaan Shacbiga Dabaylaha ‘cyclone’ Maasheeyeen”:-War-saxaafadeed

0

IMG_6485Muqdisho(AGGM)Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ku wax yeeloobay dabaylaha roobka wata ee ‘cyclone’ ee ka dhacay xeebaha Puntland. Waxaana uu u tacsiyeeyay qoysaskii ku waayay eheladooda iyo dhamaan intii waxyeeladu ka soo gaartay.

“Waxaan dhamaan hay’adaha dawliga ah, shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo deeq bixiye yaasha beesha caalamkaba ka codsanayaa in ay si banii’aadamnimo ku jirto ugu gurmadaan, gaargaarna ula gaaraan ummaddeena ay dhibaateeyeen dabaylaha roobabka wata.” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruha oo intaa ku daray inay tahay musiibo qaran oo aad u baaxad weyn taasoo ku dhinteen boqolaal qof kuna waxyeeloobeen kumaan qoys.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhanka kale xusay in cimilada is badashay iyo robabkan dabaylaha wata ay cagta mariyeen deegaanadii horey loogu yaqiinay Xaafuun ee horey ay u saamaysay Tsunami sanidii 2014. Waxaa uu yiri musiibadan dabiiciga ahi khasaare weyn bay ummaddeena gaar ahaan reer Puntland u gaysatay, waase garab taaganahay kuweena ay dhibaatadu ka soo gaartay.

“Waa musiibo qaran, oo loo bahan yahay inaynu si midaysan u wajahno kasoo kabashadeeda. Waxay saamaysay qobolaal shacbi ah, waxaana markale ku celinayaa inaan si Islaanimo, banii’aadanimo iyo Soomaalinimo ku jirto ugu gurmano una garab istaagno xiligan ay baahida weyn u qabaan taakuladeena.” ayuu kula dar-daarmay Ra’iisal Wasaaruhu ummadda Soomaaliyeed.

—DHAMAAD—

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com