Dhageyso: Somaliland Oo Ka Hadashay Qorshaha Gurmadka Qoysaskii ku Tabaaloobay State-house-ka

0

Wasiirka-dib-u-dejinta-Somaliland-Axmed-Cabdi-KaahinHargeysa(AGGM) Wasiirka dib u dejinta Somaliland Mudane Axmed Cabdi Kaahin, ayaa sheegay inay xukuumaddu dedejinayso qorshe gargaar deg deg ah lagu gaadhsiinayo qoysaskii dhibaatadu shalay ka soo gaadhay dabkii ka kacay xaafadda isku raranta ah ee State-house-ka ee magaaladda Hargeysa.

Wasiirka dib u dejinta Somaliland Mudane Axmed Cabdi Kaahin, waxa uu sheegay in shir deg deg ah oo uu maanta la yeeshay Hay’adaha samafalka uu ku booriyay in sida ugu dhakhsaha badan loo caawiyo qoysaska ku tabaaloobay dabkii shalay qabsaday xaafadaasi ee sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca sagaal ruux oo kale.

Halkan Ka Dhageyso

StateHouse11

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com