Afhayeenka Barre Hiiraale “Heshiiskii Xamar ka dhacay inta Nabada ah ayaan ka qaadanaynaa”

0

Goobwayn(AllGalgaduud) Afhayeenka Col, Barre Aadan Shire Hiiraale oo ku sugan duleedka degmada Kismaayo ayaa ka hadlay aragtidooda ku aadan shirwaynaha dib u heshiisiinta Jubbooyinka ee dhawaan kusoo dhamaaday magaalada Muqdisho.

” Waxaan ku sheegayaa in aan  duuduub u qaadanay hishiiska Jubooyinka, waxaana taasi u yeelnay maslaxada dadka jubooyinka iyo aragtida wixii dib u hishiisiin ah ee dadka loo rabo. Mana rabno in aan hadda dagaal ku qaadno Kismaayo haddii aan cid kale inagu kalifin” ayuu yiri Xasan Qaasim Warsame.

Mar uu ka hadlayey dib u noqoshada Kismaayo iyo ka mid noqoshada maamulka Juba ee uu hogaamiyo Ahmed Madoobe ayuu sheegay inay diyaar yihiin ka qeybgalka maamulka inta dhiman oo ay xaqa u leeyihiin. Balse wixii dib ugu noqosho ah Kismaayo ay wali wadahadal ka socdaan.

” Waxaan ku sheegayaa in aan diyaar u nahay ka qeybqaadasha maamulka inta dhiman in aan ka mid noqono oo waliba wixii aan xaqa u leenahay in aan ka qaadano, taasina waxaan la sugeynaa markii maamulka uu ina soo gaaro. ” Ayuu yiri Xasan Qaasim isagoona kasii hadlaya arrinta ciidankooda dib loogu celinaya Kismaayo.

” Arrinta ciidanka ma ahan mid wali soo dhamaatay waxaana wada dowlada iyo beesha caalamka waxaana eegi doonaa waxa ay inoo soo gudbiyaan. Haddii ay wax inoo qalma keenan waan soo dhaweyn doonaa, haddiise wax aan inoo qalmin inoo soo gudbiyaan waxaan u sheegi doonaa inan yeeli doonin. Haddase waxaan ku leeyahay howsha ciidanka iyo dib u celintiisa ma soo dhamaan” ayuu yiri Xasan Qaasim Warsame.

Waa markii u horaysay ee Maamulka Col, Barre Hiiraale uu soo dhaweeyo qodobada kasoo baxay Heshiiskii dhawaan lagu kala saxiixday magaalada Muqdisho.