Mahadcelin Ku Socoto Shacabka gobolka Gedo ee Arrimah Dhismaha Garoonka Garbahaaray. By Aqoon Yahan Xasan Garuun Diiriye

0

sawir-garunGermany(AGGM) Mudane Xasan Gaaruun Diiriye oo ka mid ah Jaaliyaddaha Soomaalida ee ku dhaqan Wadanka Jarmalka ayaa baaq isugu jira Mahadcelin iyo dhiiri gelin u direy shacabka Gobolka Gedo kuwaasi oo u guntaday sidii wax badan looga qaban lahaa gobolka Gedo gaar ahaan Dhismaha Garoonka diyaaradaha ee Garbahaaray.

Aqoon Yahan Xasan Garuun waxaa uu daboolka ka qaaday inuu aad ula dhacsan yahay qaabka wanaagsan ee bulshadda ku dhaqan gobolka Gedo ay ugu diyaar garoobeen sidii ay u dhisan lahayeen Garoonka diyaaradaha ee Garbahaaray oo uu ku tilmaamay inuu yahay Garoon noqon kara mid qiimo weyn u leh dadka degaanka.

Mudanaha ayaa waxaa uu marka hore Mahadcelin u jeediyey guddigi arrimahaasi ka shaqeeyey,waxaana uu sheegey in guddigaasi baal dahab ha ka geli doonaan taariikhda shacabka Gobolka Gedo iyo soomaaliya oo dhan, waxaana uu sidoo kale mahadnaq noocaasi oo kale ah u jeediyey dadkii arrimahaasi ku dhiiri geliyey.

Mudane Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Karslruhe ee Wadanka Jarmalka ayaa shaaca ka qaaday in muhiimadda garoonkaasi iyo dhaqaalaha ay waxgaradka iyo shacabka Gobolka Gedo ku yabooheen, waxaana uu sheegay in shacabka gobolka Gedo ay daboolka ka qaadeen in garoonka ay ugu deeqeen dhismihiisa dhaqaale gaaraya 305 geel ah iyo  1400 oo ari ah isla markaasna ay doonayaan in sidoo kale laga caawiyo inta dhiman dhaqaalahasi.

Aqoon-yahan Xasan ayaa waxaa uu daboolka ka qaaday Muhiimadda Garoonka isagoo xusay qodobo dhawr ah:

  • In Garoonka Garbahaaray Yahay midka ugu weyn goboladda Koonfureed isla markaasna Hadda dhismihuusu socdo.
  • Inuu Yahay Garoon Xaduud la lawadaaga labada wadan ee Dariska la ah Soomaaliya isla markaasna uu noqon doono garoon ay adeegsadaan bulsho badan oo Soomaaliyeed isla markaasna ganacsi lagala soo degi karo.
  • Inuu Yahay garoon ay u baahi qabeen dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan goboladda Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan kuwa jaaliyadaha oo ka dega Garoomo kale marka ay dalka dib ugu laabtaan.

Baaq Ku Socda Jaaliyadda Gedo Dal Iyo Dibedda:

Mudanaha waxuu baaq u dirayaa dhamaan Jaaliyadaha ku dhaqan dalka dibedisa iyo shacabka ku dhaqan gudaha Gobolka Gedo inay sii wadaan dhismaha garoonka isla markaasna ku daadaalaan sidii garoonkaasi u noqon laha mid dhismihiisu soo deg dego, waxaana uu shaaciyey inuu ku kalsoon yahay dadka degaanku inay arrimahaasi si wanaagsan uga soo bixi karaan hadii ay u guntadaan.

Ugu dambeyntii, aqoonyahankan ayaa waxaa kale oo uu baaq u direy dawlada federaalka ah ee Soomaaliya iyo xubnaha xildhibaanada ah ee dawlada ugu jira gobolkaasi inay ka qayb qaataan dhismaha garoonka diyaaradaha Magaalada Garbahaaray oo uu ku tilmaamay inuu yahay garoon muhimad u leh shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa Gedoba.

Dalmar Aadan Musa, Karslruhe, Germany

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com