Madaxwaynaha Soomaaliya oo ka hadlay Khilaafka Al-shabaab u dhexeeya

0

16813Muqdisho (AGGM):Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay khilaaf uu sheegay inuu ka dhextaagan masuuliyiinta Ururka Al-Shabaab ee Dowladda dagaalka kula jira

Madaxweynaha, wuxuu sheegay khilaafka Al-Shabaab ka dhexjira inuu usahlayo Dowladda federaalka Soomaaliya sidii dhaqsi ay uga adkaan lahaayeen Ururkaasi.

Wuxuu tilmaamay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay geeriyoodeen, kadib markii rag kale oo ka tirsan Al-Shabaab ay dileen,markii uu soo kala dhexgalay khilaaf adag.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tilmaamay inaan loo baahneyn sii socoshada dagaalka lagula jiro Al-Shabaab,ayna haboontahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo afjaro.

Shacabka ayuu ka codsaday in loowada istaago dagaalka Al-Shabaab si looga guuleeysto.

Al-Shabaab ayaa Dowladda Soomaaliya waxa ay kula jiraan dagaal adag, iyadoo habeen hore Muqdisho ay ka geysteen Shabaab qarax noociisa uu yahay mid gaari loo adeegsaday oo ay ku geeriyoodeen 6-ruux halka 25-kalena ay ku dhaawacmeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com