Dhagayso:- Caabudwaaq oo Ciidamadda Amniga Howlgal ka sameeyeen

0

Gacal JabiinCAABUDWAAQ (AGGM): Guddoomiye ku xigeenka degmada Caabudwaaq Gacal Cali Jabiin ayaa sheegay Ciidamadda dowladda gaar ahaan kuwii dhawaan lagu soo tababaray degmada Dhuusamareeb inay howlgal ka sameeyeen gudaha degmada, waxaana ay howlgaladaasi uga hortageen dad si sharci daro ah ugu dhex sitay gudaha magaalada Hub iyo kuwa kale oo kusoo durkay wadada.

Gacal ayaa sheegay Howlgalkani inuu qayb ka yahay dardar galinta Amniga magaalada, wuxuuna xusay Ciidamadda inay ka hortageen dhowr fal oo amni xumada qayb ka ahaa.

Sidoo kale wuxuu xusay Howlgalka ay maanta wadaan inuu soconayay mudo shan cisho ah isla markaana uu maanta ka qayb qaadanayo Taliyaha Qaybta 22 ee Ciidamadda XDS. Sulub Jinoole.

Gacal Cali Jabiin

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com