Ciidamadda Ethiopia oo ku biiraya Howlgalka Ciidamadda AMISOM ee ku sugan Soomaaliya

0

R,WMuqdisho (AGGM):  Sida ay qortay Warbaahinta dalka Ethiopia oo soo xiganaysa madaxda ugu saraysa dalkaasi Ciidamadda Ethiopia ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ayaa ku biiraya Howlgalka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya.

Hailemariam Desalegn, ra’iisul wasaaraha daka Ethiopia ayaa sheegay in ciidamada dowladiisa ay ku biiri doonaan ciidamada Kenya iyo Uganda ee kamid ah howlgalka AMISOM ee lagula dagaalamayo Alshabaab.

Isagoo ka hadlayay kulan uu la qaaday ku xigeenka madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayuu ku sheegay in madaxda amaanka Ethiopia ay arintaasi kala hadleen dhigooda taasi oo ku aadan ku biiritaanka howlgalka.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa sheegay inay jiraan hanjabaado cusub oo dhanka amaanka ah ee dalka Ethiopia taasi oo horseeday ku biiritaanka howlgalka ka dhanka ah hanjabaadaha, sida uu hadalka u dhigay.

“Hanjabaada waa xaqiiqo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ay sii socon doonaan meel kastana ay ka dhacayaan”ayuu yiri ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya Ruto ayaa dhankiisa sheegay inay soo dhaweynayaan go’aanka dowlada Ethiopia eek u biiritaanka ciidamada AMISOM si loola dagaalamo Alshabaab.

Ethiopia ayaa kamid ah dalal dhowr ah oo Ciidamadoodu ku suganyihiin gudaha dalka Soomaaliya, waxaana ay mudo dhowr sano ah dagaalo kula jireen Ururka Al-shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com