R/Wasaare Saacid ‘’ Waa In La Gaarsiiyaa Adeegyada Dowladda Gobollada Jubbooyinka”.

0

Saacid-1Muqdisho (AGGM): Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ka dalbaday gollaha wasiirrada xukuumada Soomaaliya in ay adeegyada aas-aasiga u ah nolasha bulshada sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaarsiiyo gobollada Jubbooyinka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa intaa raaciyay in degaannada gobolka Jubbooyinka ka jiraan sida uu hadalka u dhigay dhibatooyin baaxad leh, sidaa daraadeed loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu gurmado shacabka ku dhaqan deegaannadaas.

Maalin ka hor ayeey aheyd markii uu magaalada Muqdisho ku soo dhamaaday shir lagu hishiisiinayay dhinacyadii isaga hor yimid dagaalladii ka dhacay magaalada Kismaayo, kuwaa oo hishiis ku kala saxiixday magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay ra’iisal wasaaraha islamarkaana ku cel-celiyay in shirkaasi wax weyn ka tiri doono nabada iyo walba hormarinta deegaannada Jubbooyinka.

Golaha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa dhinaciisa soo dhoweeyay natiijadii ka soo baxday shirka dib u heshiisiinta bulshada Jubbooyinka, wuxuuna xusay in shirkii dib u heshiisiinta ee shalay lagu soo gabagabeeyay Muqdisho uu horseedi doono nabad ku wada noolaanshaha dadka Jubbooyinka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com