Daawo: Magaalada Caabudwaaq Oo Bandow Lagu Soo Rogay.

0

axmed jaamac dhirifCaabudwaaq (AGGM): Maamulka dowladda Soomaaliya ee degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa bandow habeenkii ah lagu soo rogay degmada.

Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq, Axmed Jaamac Dhirif oo u warramay Warbaahinta ayaa sheegay in bandowga uu qeyb ka yahay howlgallo shalay laga billaabay degmada oo lagu xaqiijinayo amniga.

Axmed Jaamac Dhirif ayaa xusay in kulamo ay la qaateen qeybaha bulshada, ayna kala hadleen sugidda ammaanka.

Bandowga lagu soo rogay degmada Caabudwaaq ayaa soconaya 9-ka fiidnimo ilaa 8-da aroornimo, balse guddoomiyuhu ma uusan sheegin ilaa iyo inta uu socon doono.

Howlgallada shalay ka billowday degmada Caabudwaaq ayaa socon doona muddo toddobaad ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com