Madaxweynaha JFS Xasan Shiikh Oo Wufuud Caalami Ah Iyo Safiiro Ku Qaabilay Magaalada Muqdisho.

0

XASAN SHEEKHMuqdisho (AGGM): Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xasan Suleymaan ayaa shalay galab kulamo xasaasi ah la yeehashay wufuud ka socotay Bankiga Adduunka, Bankiga hormarinta Afrika, dowlahada deeqaha bixiya,UNSOM, iyo safiirada dowladaha caalmka u fadhiya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kulanka uu madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud la yeeshay wufuudan caalamiga ah ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha deeqaha siiya Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Xasan Suleymaan ayaa markuu soo dhamaaday kulanku warbaahinta la hadlay wuxuuna ka warbixiyay wixii ay ka wada hadleen wuxuuna tilmaamay in la isku soo qaaday is casilaadii gudoomiyihii Bankiga dhexe ee Soomaaliya Marwo Yusur Abraar iyo dhamaan Hay’adaha dhaqaalaha Dowladda Soomaamliya.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya mudane Maxamed Xasan Suleymaan ayaa sheegay inay ka wada hadleen sababihii ay shaqada u tagtay gudoomiyihii Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Marwo Yusur Abraar wuxuuna tilmaamay in madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu u sheegay sababihii ay shaqada uga tagtay Marwo Yusur Abraar Islamarkaana uu madaxweynuhu ka qanciyay ujeedkii ay shaqada uga fariisatay gudoomiyihiii Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa yiri” Maanta waxa uu madaxweynaha soomaaliya la kulmay safiiradda wadamada aan saaxiibada nahay sida safiiradda wadamada mareykanka,Sweden,Norwey,Turky,Swizerland,madax ka socotay DFID,madax ka socotay bankiga aduunka,madax ka socotay bankiga horumarinta afrika iyo UNSOM,waxyaabaha ugu muhiimsanaa ee laga wada hadlay waxa ay ahaayeen guud ahaan wada shaqeynta ka dhaxeeysa dowlada soomaaliya iyo wadamadaasi aan saaxiibka nahay oo u badan wadamada deeq bixiyaasha ah iyo hay’adaha ay deeq bixiyaashu lacagaha soo mariyaan”.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com