Dowladda Soomaaliya Oo Deeq Daawo Ah Gaarsiisay Magaalada Jowhar.

0

Daawo-OPMJowhar (AGGM): Deeq dawo ah oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen fatahaadaha wabiga Shabeelle ee ku nool degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta la gaarsiiyay magaaladaasi.

Deeqda oo ka socotay dowladda dhexe ee Soomaaliya, ayna wadday diyaarad helikobtar ah ayaa lagu wareejiyay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Jowhar, si ay u gaarsiiyaan goobaha loogu talagalay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada oo socdaal gaaban doraad ku tagay Jowhar ayaa ballan-qaaday in deeq daawo ah deg-deg loo soo gaarsiin doono dadka ay fatahaaduhu waxyeelleeyeen ee ku nool magaalada Jowhar.

Waa deeqdii ugu horreysay ee daawo ah oo la gaarsiiyo dadka ay saameeyeen fatahaadaha Jowhar, iyadoo daadadka ka dhashay fatahaaddu ay xireen inta badan waddooyinka soo gala magaalada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com