Ciidamada Dowladda Oo U Ruqaansaday Deegaannadii Ay Maleeshiyo Beeleedka Ku Dagaalameen Ee Dulleedka Magaalada Jowhar.

0

ciidamada-dowladdaJowhar (AGGM): Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Sh/dhexe ku sii jeedaan deegaannada duulleedka magaalada Jowhar oo ay ka dhaceen dagaalllo culus oo ay dad badani ku dhinteen.

Yuusuf Cabdi C/duulle [Yuusuf Jeelle] oo ah ku-simaha guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in ciidamo milateri oo awood u leh inay kala dhex galaan labada dhinac ay ku wajahan yihiin deegaanada bari ee magaalada Jowhar.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay xalay ku baxeen deegaanada lagu dagaalamay, iyagoo sii maray deegaano miyi ah oo roobab ay ka da’ayeen labadii maalmood ee u dambeeyay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada aanay wali gaarin, isla markaana deegaanada qaar ay baabuurta u geli waayeen, waxaana la filayaa in gelinka hore ee maanta ay gaaraan sida ay Jowhar.com u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda.

Baaqyo ayaa ka soo baxayay siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka, odayaal iyo nabadoon, kaasoo lagu dalbanayay in la joojiyo dagaalka dhiiga ku daadanaya, isla markaana labada beelood la dhex dhigo heshiis xabad joojin ah.

Labadii cisho ee la sooo dhaafay dagaallada ka dhacay deegaannada dulleedka Jowhar ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad labaatan ruux, halka lagu gubay tuulooyin dhowr ah oo ay deganaayeen mid ka mid ah beelihii wada diriray.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com