Booliska Talyaaniga Oo Nin Soomaali Ah U Xiray Musiibadii Tahriibeyaasha Ee Lampedusa.

0

lampedusaLampedusa (AGGM): Booliska dalka Talyaaniga ayaa maanta xiray nin Soomaali ah oo 24 jir ah oo aanan la sheegin magaciisa, kaasoo lagu eedeeyay inuu soo tahriibiyay dadkii saarnaa doon 3-dii bishii October ku degtay jasiiradda Lampedusa oo ay ku dhinteen 336 qof.

Ninka ayaa lagu xiray Lampedusa, wuxuuna ka mid ahaa tahriibeyaal gaaray jasiiraddaas.

Afhayeen u hadashay booliska magaalada Palermo ee gobolka Sicily ee dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in ninka la aqoonsaday xilli su’aalo la weydiinayay dadka soo galootiga ah ee ka badbaaday musiibadii Lampedusa.

Waxay tilmaantay in sidoo kale lagu eedeeyay gabbood-fallo dhinaca galmada ah.

Labo nin oo kale oo u kala dhashay dalalka Tunisia iyo Falastiin ayaa la soo taagi doonaa maxkamad, waxaa iyaguna lagu eedeeyay inay ka dmabeeyaan qaxooti Suuriyaan ah oo ay u tahriibiyeen dalka Talyaaniga.

Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in tan iyo billowgii sanadkan 35 kun oo qof oo magangelyo doon ah ay gaareen dalkeeda, xilli Talyaaniga iyo Midowga Yurub ay wadaan dedaallo looga hortagayo soo-galootiga ka imaanaya dhinaca badda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com