Qarax Ka Dhacay Dalka Itoobiya Oo Ay Afar Ruux Ku Geeriyootay.

0

qarax-miino1Addis Ababa (AGGM): Afar ruux ayaa ku geeriyootay kadib qarax ka dhex-dhacay gaari shacab ah oo maraye Magaalo ku taala xadka Suudaan iyo Dalka Ethiopia ay wadaagaan.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Ethiopia qaraxa ayaa ka dhex-dhacay gaariga shacabka ay saarnaayeen, lamana oga cida rasmi ahaa uga dambeysa.

Qaraxan ayaa dhacay shalay oo arbaco aheyd sida Wakaalada Wararka ee Reuters uu uxaqiijiyay afhayeenka Dowladda Ethiopia Shimeles Kemal.

Dadka geeriyooday ayaa waxa ay ahaayeen dadkii saarnaa gaariga buska ah ee qaraxa uu ka dhacay, waxaana Afhayeenka Dowladda Ethiopia uu sheegay in qaraxa noociisa uu ahaa bambada gacanta laga tuuro.

Ilaa hada majirto masuuliyada qaraxaasi cid sheegatay, waloow Dowladda Ethiopia ay shegtay inay wado baaritaano ku aadan cida ka dambeysay qaraxa.

Qaraxan wuxuu kusoo aadaya maalin un kadib markii ciidamada ammaanka dalka Ethiopia la geliyay heegan buuxa oo ku aadan digniino dhanka ammaanka ah oo soo baxay, iyadoo laga cabsi qabo weeraro Al-Shabaab ay ka geystaan gudaha dalka Ethiopia.

Ethiopia ayaa waxa ay ciidan ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya, waxaana Al-Shabaab ay horay ugu hanjabeen inay weeraro ka geysan doonaan gudaha dalkaasi.

Qaraxan ayaa sidoo kale kusoo aadaya saddex todobaad kadib markii Magaalada Addis Abbaba ee dalka Ethiopia uu ka dhacay qarax dad ay meel ku diyaarinayeen oo Dowladda Ethiopia ay ku sheegtay in dadkaasi ay ahaayeen Soomaali.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com