Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ka Dooday Hindise Sharciyeedka Kalluumeysiga.

0

anisixn_2Muqdisho (AGGM): Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay kulan ay ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga doodeen wax ka bedelka hindise sharciyeedka kalluumeeysiga dalka kaas oo ay soo jeediyeen Guddiga beeraha iyo kheyraadka dalka, Guddiga ayaa ka dooday wax ka bedelka hindise sharciyeedka kalluumeeysiga dalka, waxayna timid ka dib markii ay maalinnimadii doraad aheyd ay si rasmi ah golaha shacabka u horkeeneen Guddiga beeraha iyo kheyraadka dalka hindise sharciyeedkan, iyadoo mudaneyaasha Baarlamaankana ay soo jeediyeen aragtiyo kala duwan oo la xiriiray wax ka bedelka hinidise sharciyeedka kalluumeeysiga dalka, waxaana Xildhibaanada qaarkood ay soo jeediyeen in hindise sharciyeedkan lagu muujiyo dhererka badda laga kalluumeysan karo taasi oo ku cad xeerka NO 37 oo soo baxay 1972kii.

Dooda munadanayaasha Baarlamaanka ka dib Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad oo shir gudoominayey kulanka Baarlamaanka ee shalay ayaa gebagebadii kulanka ka sheegay in ka doodidda wax ka bedelka hindise sharciyeedka kalluumeysiga dalka ay mudaneyaasha Baarlamaanku sii amba qaadi doonaan maanta oo Arbaco ah, xeerka No 37 oo isagu ka hadlaya sharciga badda Soomaaliya ayaa waxa uu si cad u qaxeeyaa dhul badeedka Soomaaliya, taas oo ku cad qodobka koobaad, farqadiisa koobaad ee xeerka No 37 oo isagu u qoran sidan “Dhul badeedka Soomaaliya {Territorial Sea} waa qeyb ka mid ah badda oo gaareysa 200-mayl badeed {Nautical miles} ee xeebaha qaaradda iyo xeebaha jasiiradaha oo lagu xadeeyay sida ku qeexan qodobka 2aad iyo 3aad ee sharcigan oo soo baxay 10-kii September ee sanadkii 1972kii.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com