Wasiirrka Arimaha Dibada Itoobiya Oo Ku Baaqay In Danta Gaarka Ah Laga Hormariyo Danta Guud.

0

Dr. Tedros Adhanom GhebreyesusMuqdisho (AGGM): Wasiirka wasaarrada arrimaha dibada xukuumada Itoobiya, Tedros Adhanom oo gaaray galinkii danbe ee maalintii shalay ayaa tan iyo xalay kulamo kala duwan lahaa mas’uuliyiiinta dowladda iyo ergada gobollada Jubbooyinka.

Wasiirrka ayaa ugu baaqay guud ahaan dowladda in ay ka shaqeyso sidii loo hormarin lahaa dalka, isaga oo kula dardaarmay in dan gaarka ah mar walba laga hormaryo danta guud, isaga oo ku baaqay in laga wada shaqeeyo nabada iyo hormarka dalka.

Tedros Adhanom ayaa dhanka kale sheegay in shirka dib u heshiisiinta shacabka gobollada Jubbooyinka uu si wanaagsan u socday, isaga oo xusay in gunaanadka shirka guul laga gaari doono.

Waxa uu Tedros guul u rajeeyay dhammaan shacabka Soomaalida ee ku dhaqan gudaha waddanka.

Waxaa la filayaa in wasiirrka uu ka qeyb-gallo maanta gabagabada shirka dib-u-hishiisiinta Jubbooyinka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com