Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalada U Dhexeeya New Boliiska Iyo Dadka Deegaanka.

0

top-newsBalanballe (AGGM): Wararka naga soo gaaraya degmada Balanballe ee waqooyiga gobolka Galguduud ayaa waxa ay sheegayaan inay weli xiisad ka taagantahay deegaano hoostaga Degmadaasi.

Xiisadaan ayaa waxa ay udhaxeysaa dadka deegaanka oo hubaysan iyo ciidanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee loo yaqaan New Police, kuwaasi oo labo mar ku dagaalamay todobaadkaan deegaano hoostaga Degmada Balanbal.

Xasan Xuseen Cabdi oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee Degmada Balanballe, ayaa u sheegay Warbaahinta in xiisada ay tahay mid aad u kacsan, maadaama ciidanka New Police ay dhulkii ka barakaciyeen dad badan oo halkaasi ku noolaa.

Wuxuu sheegay in Dowladda federaalka Soomaaliya ay u qeylo dhaamiyeen, taasi oo ku aadan wax ka qabashada ciidanka New Police ee dhibaatada kawada deegaano hoostaga xadka Soomaaliya iyo dalka Ethiopia.

Todobaadkaan gudihiisa ayaa labo mar uu dagaal ka dhacay deegaano hoostaga Degmada Balanbal, halkaasi oo khasaaro kala duwan uu ka dhashay.

Todobaadkaan gudihiisa ayaa Degmada Balanbal waxaa la gaarsiiyay maydadka afar qof iyo dhaawaca toddobo kale ,kaddib markii iska horimaad uu dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa is-maamulka Soomaalida ee Itoobiya iyo dadka deegaanka ka soo jeeda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com