Ciidamada Amaanka Itoobiya Oo Heegan Lagaliyay.

0

itoobiyaMuqdisho (AGGM):Dowladda Itoobiya ayaa heegan gelisay ciidamadeeda ammaanka, kadib markii ay ka war heshay fariin sheegeysa in Al-Shabaab ay doonayaan in weeraro ka fuliyaan magaalooyinka waa weyn ee dalka.

Sirdoonka Itoobiya ayaa sheegay inuu helay fariin ku saabsan in Al-Shabaab ay dooneyso in weeraro ka geystaan gudaha dalkaas.

War si wada jir ah ay hey’adaha ammaanka Itoobiya uga sii daayeen telefishinka dalkaas ayaa lagu sheegay in Kooxaha Argagixisada oo taageero ka helaya dowladda Eritrea inay qorsheynayaan weeraro laga fuliyo magaalada Addis Ababa iyo magaalooyin kale.

Telefishinka ayaa ugu baaqay shacabka Itoobiya inay la shaqeeyaan ciidamada, waxaana si gaar ah fariin loogu diray Milkiilayaasha Hotelada inay ogaadaan dadka soo booqanaya ama degaya hoteladooda.

Hey’adda Sirdoonka Itoobiya ee lagu magacaabo NISS ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso in dalkooda ku qaado weeraro aar-goosi ah.

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii qarax uu ka dhacay magaalada Addis Ababa, kaasoo ahaa guri ay labo dhalinyaro Soomaali ku diyaarinayeen waxyaabaha qarxa ay qudhooda ku geeriyoodeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com