Baaq Laga Soo Saaray Colaada Ka Aloosan Gobalka Mudug.

0

gaalkacyoGaalkacyo (AGGM): Waxagaradka Gobalka Mudug ayaa baaq Nabadeed ka soo saaray colaada ka dhax bilaabatay Maamulka Puntland iyo galMudug kadib markii dagaalo labada dhinac u dhaxeeya ka dhaceen Gobalka Mudug.

Nabadoon yaasiin Cabdi samad oo ka mid ah waxgaaradka Puntland ayaa ku baaqay in Colaada la joojiyo sharuud la,aan waxa uuna sheegay in uusan xiligaa Shacabka Gobalka u baahnayn in Colaad laga dhax abuuro.

Yaasiin Cabdi Samad ayaa labada dhinac ugu yeeray in Ciidamada kala qaadaan oo Nabadgalyada ka shaqeeyaan waxa uuna xusay in dagaal uusan keenayn wax faa,iida ah khasaaro mooyaane.

Nabadoonka ayaa ugu yeeray waxgaaradka ka soo jeeda Galmudug in qayb ka qaataan sidii Colaadaa loo qaboojin lahaa waxa uuna rajo fiican ka muujiyay sidii looga gudbi lahaa Marxaladaha iminka jira.

Maamulka Puntland& GalMudug ayaa isku hub aruusnaya waxaana sii xoogaysanaysa Colaada labada dhinac u dhaxaysa taa oo sare u kacday kadib dagaalkii ka dhacay gogod oo dad badan ku dhinteen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com