Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Kenya Oo Ku Baaqay In La Furo Xadka Kenya Iyo Soomaaliya.

0

dr.-daahiyeMuqdisho (AGGM): Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Kenya ee laga soo doorto deegaanada ay soomaalidu degen tahay ee dalkaas ayaa dowladda Kenya ugu baaqay inay si degdeg ah loo furo xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, wuxuuna tilmaamay in markii ay dowladda Kenya ku dhawaaqday inuu xiran yahay xadka ay la wadaagto Soomaaliya uu saamayn balaara ku yeehay Ganacsatada dalka Kenya.

Xildhibaan Max’ed Daahiye ayaa sheegay in xiritaanka xuduudda labada dal uu aad u saameeyey dhaqaalaha ganacsatada gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya kuwaas oo gudaha Soomaaliya sida uu sheegay ganacsi aad u balaaran soo gelin jiray.

Xildhibaan Maxa’ed Daahiye ayaa tilmaamay in furitaanka xuduuda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya ay muhiim u tahay Ganacsatada labada dal ee uu ganacsigoodu maro xuduuda u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya.

Wuxuuna tilmaamay in ganacsatada labada dal uu dhexmaro ganacsi aad u balaaran oo dhinacyo badan ah wuxuuna tilmaamay inuu ka xunyahay xiritaanka xadka labada dal.

Max’ed Daahiye oo ka tirsan xildhibaanada dalka Kenya ayaa dowladda Kenya ka codsaday inay dib u furto xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ay baaritaanno xooggan ku sameeyaan dadka kasoo gudbayo xuduudda labada dal.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com