New Boliiska Itoobiya Oo Dad Rayid Ah Xabsiga Kala Baxay Kadibna Laayay.

0

new booliskaBalanballe (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Balanballe ee waqooyiga  gobolka Galguduud ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyaadka New Boliiska Itoobiya ay xabsi kala baxeen dad Rayid ah islamarkaana ay laayeen.

Warkan ayaa intaasi waxxa uu ku darayaa in maleeshiyada New Boliiska ku kudileen dhulka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya khasatan dhinaca balanbale sadex nin oo ay hore uga qafaasheen deegaanadaas.

Ilo wareedyo ku sugan deegaanadaas ayaa waxa ay sheegeen in ay maleeshiyada New Boliiska xabsigii kalbaxeen hadana ay dileen Allaha u Naxariistee Cabdi-iraad Golcad, C/wali Xakame Cali-yare iyo Ina- Carabeey Liibaan Sanyare. Allaha u Naxariistee Cabdi-iraad Golcad ayaa ahaa nin oday ah oo ganacsade ah halka Allaha u Naxariistee C/wali Xakame Cali-yare iyo Ina- Carabeey Liibaan Sanyare ay ahaayeen rag dhalinyaro ahaa.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay dhoowr jeer oo hore iska caabiyeen weeraro ay ku soo qaadeen  maleeshiyaadka New Booliska, marki lagu jabiyana waxa ay uurdooxaan Haweenka iyo cidi kale oo ay cidlo ka helaan.

Isku soo duuboo waxaa beryahan dambe aad ugu soo badanayay deegaanadaas tacadiyada ay dadka rayidka ah u geeysanayaan maleeshiyaadka New Booliiska oo hadda run ahaantii arrintooda farah kasii baxaysa ayna jirina dowlad ama Mas’uuliyiin  wax ka qabata in leeyska caabiyo mooye.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com